🔴𝗫𝗔𝗡𝗨𝗨𝗡𝗞𝗔 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗕𝗚𝗢𝗢𝗬𝗘 {𝗕𝗟𝗔𝗖𝗞 𝗤𝗨𝗔𝗥𝗧𝗘𝗥}
_____________________________________________
▪️waa xanuun ku dhaca Lo’da, Riyaha iyo idaha, sidoo kalena khatar baahsan ku leh waylaha yar yar ee Lo’da, taas oo ay keento mid ka mid ah bakteeriyooyinka jidhka sunta ku sameeya ee la dhaho “Clostridium chauvoei” bakteeriyadan oo caadiyan ku noolaan karta carrada korkeeda wakhti badan.
▪️Xanuunkani waxa uu ku dhacaa waylaha da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 2 sanno, sidoo kale xanuunkan waxa la arki karaa wakhti kasta oo sannadka ka mid ah, haba u badnaato wakhtiga kullaylaha iyo bilaha huurku jiro.
🌀𝗦𝗜𝗗𝗘𝗘 𝗔𝗬𝗨𝗨 𝗞𝗨𝗚𝗨𝗗𝗕𝗔𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔𝗔𝗡?
______________________________________________
➪cudurkani waxa uu ku gudbaa ama ay qaadi karaan xooluhu wakhtiga daaqa. daaqaas oo ka baxay carro wasakhaysan oo la falgashay bukaano hore ugu bakhtiyay, bakteeriyadan oo wakhti dheer ku noolaan karta awgeed. ka dibna sidaas ayay jidhkooda uu ugu gudbaa cudurku
⚪𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡 𝗞𝗔𝗥𝗔𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔𝗡?_______________________________________________
🔹ugu horaynba xanuunkan xoolaha lagu arki karaa waa waylaha da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 2 sanno.
🔹 calaamadda ugu muhiimsan ee xanuunkani leeyahay waa inay curyaamaan wayluhu, isla markaana ay muruqyadu bararaan.
🔹xummad daran
🔹 daaqa oo ay joojiyaan xooluhu.
🔹inay noqdaan kuwo xanuunku soo rito oo aan kici karin.
🔹 dhimasho deg deg ah.
💉𝗗𝗔𝗪𝗘𝗬𝗡𝗧𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗞𝗔𝗛𝗢𝗥𝗧𝗔𝗚𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔
____________________________________________
➪ in bukaanka lagu duro Penicillin iyo Tetracycline.
➪ xanuunkani waxa uu leeyahay tallaal ka hor tag ah
0 Comments