⚫𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗦𝗨𝗦𝗨𝗡𝗞𝗔 ⌨︎✍︎✍︎
Waa maxay cudurka susunku?
Cudurkan susunka ay soomaalidu u taqaan waxa keena fayras la dhaho (𝗽𝗲𝘀𝘁𝗲 𝗱𝗲𝘀 𝗽𝗲𝘁𝗶𝘁𝘀 𝗿𝘂𝗺𝗶𝗻𝗮𝗻𝘁 𝘃𝗶𝗿𝘂𝘀}. waa xanuun ku dhaca inta badan Riyaha, dhimasho bandanna ku keena, sidaas si la mid ah waxa uu ku dhacaa Idaha inkasta oo aanu ku badnayn iyaga.
▪️𝗦𝗜𝗗𝗘𝗘 𝗔𝗬𝗨𝗨 𝗞𝗨𝗚𝗨𝗗𝗕𝗔𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔𝗡 ?
•Cudurkani waxa uu ku gudbaa taabashada tooska ah ee ka dhex dhacda xoolaha, gaar ahaan dareerayaasha kala duwan ee ka soo baxa xoolaha sida, dhareerka, waxa kale oo cudurkani in uu fido ka qayb qaadata ganacsiga ay xooluhu ugu kala gudbaan waddamada, cuntada iyo biyaha ay wadaagaan neeflca jirran iyo ka fayaw, saxarada wasakhaysan, qufaca iyo neefsiga.
▪️𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗔𝗚𝗨 𝗚𝗔𝗥𝗔𝗡 𝗞𝗔𝗥𝗔𝗔 𝗖𝗨𝗗𝗨𝗥𝗞𝗔𝗔𝗡 ?
☟︎︎︎Calaamadaha ugu badan ee cudurkani leeyahay waxa ka mid ah:
➪cudurkani wuxuu bukaanka ka soomuuqan karaa muddo 3-6 maalmood ah.
➪ xummad daran 40-41C ah .
➪ daaqa oo uu joojiyo neefku
➪ dareere biyo ah oo afka, sanka iyo indhaha ka yimaada bukaanka.
➪duuf adag oo guduud ah oo bukaanka lagu arko.
➪ nabaro iyo barar cirridada iyo faruuryaha ah
➪ shuban daran oo ariga lagu arko
➪ culayska bukaanka oo is dhima
➪ waxa uu ku sababi karaa mararka qaarkood dhicis neeflca riman
➪xanuunkan waxa aad ugu nogul riyaha marka xoolaha kale loo eego, waxaana uu ku keenaaa dhimasho badan.
➪ caabuq sambabada ah iyo hawo qaadashada oo neefka ku adkaata.
▪️𝗔𝗦𝗧𝗔𝗔𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗔 𝗠𝗨𝗨𝗤𝗔𝗡 𝗞𝗔𝗥𝗢 𝗕𝗨𝗞𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗥𝗞𝗔 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗟𝗢
☞︎︎︎astaamaha ugu muhiimsan ee bukaanka lagu arki karo marka la qalo ama uu dhinto waxa ka mid ah:
• midab doorsoon, finan, barar iyo qalafsannaan ku samaysanta afka, cirridada, dibnaha hoose iyo carrabka.
☞︎︎︎• barar iyo dhiig guntan oo lagu arko qanjirada neefka
• dhiig ku samaysma iyo diirka oo ka dhaca mindhicirada
𝗡𝗕:. Cudurada kale ee xanuunkan lagu khaldi karaa waa daba-ka-ruubka, sambabka adhiga iyo cabeebka.
haddaba sida ugu fiican ee xanuunkan looga sooci karo xanuunadan kale, waa in calaamadahan aynu soo xusnay si taxadir leh loo eego iyo in shaybaadh caaafimaad oo dhiig ah bukaanka laga qaado.
𝗽𝘂𝗽𝗹𝗶𝗰 𝗵𝗲𝗮𝗹𝘁𝗵 dadka wax saamayn caafimaad ah kuma laha cudurkani
▪️. 𝗸𝗮𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗮𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮
➪ xanuunkan oo uu keeno mid ka mid ah fayrasyadu (virus-ku) ma laha wax daawo ah oo sax ah.
➪ u isticmaal bukaanka daawooyinka lagula tacaalo bakteeriyada, si aanay ugu raacin bukaanka xanuuno kale.
➪ laakiin waxa muhiim ah in la joojiyo isku socodka xoolaha wakhtiga xanuunkan la ogaado in uu dilaacay.
➪ in aad xoolaha u isticmaasho tallaalka ka hor tagga xanuunkan (PPR Vaccine) wakhtiga uu dilaaco xanuunkani.
➪ ku kala saar xerada xoolaha jirran iyo kuwa fayaw.
➪waxa kula gudboon marka aad cudurkan aragto in aad u gudbiso dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha iyo hay'adaha ku shaqada leh.
0 Comments