๐ต๐๐๐๐๐ {หขสฐแตแตแต}⌨︎✍︎
W/Q: Dr.Ibraahin Dhuxul.
๐ถ๐๐ฎ๐ต๐ฎ Waxay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (๐ฎ๐ป๐ถ๐บ๐ฎ๐น ๐ธ๐ถ๐ป๐ด๐ฑ๐ผ๐บ). Bahda lafdhabarleyda ah (๐ฐ๐ต๐ผ๐ฟ๐ฑ๐ฎ๐๐ฎ). Gaar ahaan bahda naasleyda (๐บ๐ฎ๐บ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐ฎ). Iduhu waxay Ku jiraan bahweynta Qanjaafileyda ama se raafyarta (๐๐ป๐๐ถ๐ผ๐ฑ๐ฎ๐ฐ๐๐๐น). Gaar ahaan qoyska hoose ee laba suulleyda (๐๐ผ๐๐ถ๐ฑ๐ฒ). Kaas oo ay kuwada jiraan riyaha iyo iduhu. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (๐ข๐๐ถ๐). Iduhu waxay kamid yihiin meesiyada ay soomaalidu dhaqato . Asal ahaan waxay kasoo jeedaan qaaradaha Aasiya iyo yurub. Luuqadda ingiriisida waxaa looyaqaannaa (Sheeps), halka afka carabidana loogu yeedho: (ุถَุฃْู).
Afka Soomaaliga waxaynu unaqaannaa Ido. Labkoodda waxaa loo yaqaannaa Wan, dheddiggoodana Lax. Marka ay yaryar yihiin idaha waxaa loogu yeedhaa Naylo, Kuwa la dhufaanay waxaa looyiqaannaa Qoble ama Tumay. laxdu markay wan doonayso waxa la yidhaahdaa: way osleysaa. Wanka isagoo dhufaanan laxaha saartana Mallooli. Midka taranta xun woodhaq ayaa loogu yeedhaa. Subaga laga shiilo baruurta idaha waxaa looyiqaannaa Codcod. Laxda neef walbo jaqo waxaa loo yiqaannaa Hebed wanka bilaa geesaha ahnna Seenyo. xerooyinkinka idaha iyo maqasha waxaa looyiqaanaa : Xero, edeg iyo qalwo. Wannanka ayaa badanaa ka weyn laxaha sidoo kale waxay leeyihiin laba geesood (Horns). Qoomiyadda soomaalidu waxay caan Ku tahay oo dhulkooda kasoo jeeda idaha leh qoorta madaw (Somali Black head). Dibka dheer iyo badhida weyn (Fat rump), inkasta oo waayaahan danbe laga xaday oo lagu beeray dalal kale oo caalamka kamid ah. Magacyada ay soomaalidu idaha ugu yeedhaan waxaa kamid ah: Dayl, Dayr-raac, Marso, Galaal, Calan, Gabbal, Gorod, Gaashaan, Dharo, Birdhi iyo Gabar. Cimrigoodu waxa uu gaadhaa 10 illaa 12 sanno, dhererkooduna 1.3 sentimir, halka uu Culayska jidhkooduna gaadho 45-68 kiiloo.
Heerkulka jidhkoodu waxa uu u dhaxeeyaa 38-39 digrii. Sidoo kale Waxay leeyihiin 56 hiddo-side iyo 32 ilkood. idaha sidkoodu waxa uu gaadhaa shan bilood ama se 152 maalmood. badanaa waxay dhalaan hal ilme, marmar iyo dhifna Mataano. kuwaas oo ku qaangaadha 6-8 bilood. Waxay wax quutaan maalintii (Diurnal). Iyagoo quuta waxyaabaha kasoo jeeda dhirta sida: cawska iyo caleemaha dhirta (Herbivore), waxay biyaha ku cabbaan faruuryaha, iyagoo biyo la’aan kara toddobaad. Iduhu waxay kamid yihiin xayawaannada leh dhiigga diirran (warm blooded) iyo sidoo kale Kuwa leh afarta caloolood (Ruminants), kuwaas oo soo calyo ceshada ama se calanaqsada. Waxay kamid yihiin xayawaannada uu alle qur’aanka ku sheegay.
Adduunka waxaa laga helaa illaa 10 jaad oo ido ah (Breeds), kuwaas oo ku kala duwan dhanka, miisaanka, dhogora iyo dhererka. Iduhu waxay kamid yihiin xoolaha aynu sida joogtada ah u manaafacaadsano, faa’iidooyinka aynu ka helno waxaa kamid ah: Caano, Hilib, Subag, Lacag, Harag, Dhogor iyo Digadood oo loo adeegsado falashada beeraha. bulshada soomaalidu waxay aad u amaanaan badhida idaha oo ay aaminsan yihiin inay xanuunno badan utahay kahortag iyo daawo. Ugu danbayntii idaha adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa hal bilyan oo neef, iyagoo qaaradda ugu badan ee laga helaana ay tahay ustareeliya oo uga faa’iidaysta dhanka dhogorta (wool production).
0 Comments