𝗟𝗢'𝗗𝗔 ✍︎✍︎

 L O ’ D A 


W/Q: Dr ibraahin dhuxul.⌨︎✍︎✍︎


Waa mid kamid ah boqortooyada xayawaanka (Animalia). Bahda lafdhabarleyda ah (Chordata) gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Waxay Ku jirta qoyska ballaadhan ee qanjaafileyda (Artiodactyla). Sidoo kale waxay ka mid tahay qoyska hoose ee laba suulleyda (Bovidae). Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Bos taurus). Asal ahaan waxay kasoo jeeddaa dal weynaha Hindiya. Lo’du waxay kamid tahay ishinka ama se afar naasleyda ay soomaalidu foofsato, taas oo ay cadkeeda iyo caanaheedaba la manaafacaadsado.


Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Cattle), Carabidana (بقر). Afka soomaaliga guud ahaan waxaa looyiqaannaa: (Lo ’). Labka: Dibi, dheddiggeedana: Sac. kuwa yaryar waxa loo yaqaannaa: Weylo ama Aalo, codadka lo’da Araasi, Banaaxin iyo Dinnaahin. lo’da dheddig ee aan weli curan Qaalin. Lo’da wadartaa ee yaryarna: Qaan. Dibiga lagu daro lo’da waxaa loo yaqaannaa Qoodh. Midka iib galka ahna Dammaan. Saca godlan waaya dabada ayaa laga afuufaa waxaana looyaqaannaa: Boorid ama Dabaadin. Cimriga lo’du waxa uu gaadhaa 18-12 sanno. Culayskooduna: 500-1,100 kiiloo.  dhererkooduna waxa uu u dhaxeeyaa: 1.3-2.6 sentimitir. Sidka lo’du waa 9 bilood sida dadka oo kale, kuwaas oo ku qaangaadha 4-5 sanno.  waxay leeyihiin 60 hiddo-side iyo 32 ilkood. Heerkulka jidhkoodu waxa uu gaadhaa 37 illaa 39. Lo’du waxay Ku jirtaa meesiyada ay soomaalidu dhaqato Kuwooda ugu nugul baadka iyo biyo yaraanta.


Lo’du waxay kamid yihiin xayawaannada leh dhiigga diirran (warm blooded) iyo kuwa leh dhawrka caloolood (Ruminants) kuwaas oo soo calanaqsada. waxa ay quutaan waxyaabaha kasoo jeeda dhirta (Herbivore), gaar ahaan maalintii (Diurnal).  sidoo kale waxay kamid yihiin xayawaannada uu rabbi qur’aanka ku xusay. Midabada lo’da ku nool dhulka Soomaalida waxay kala yihiin: Bey, Xay-cad, Boodhe, Dhiin, Giir iyo Careef. Lo’da waxaa loo qaybiyaa laba: mid geeso leh iyo mid bilaa geeso ah. ama se mid asal ahaan kasoo jeedda qaaradda Yurub iyo mid Afrika kasoo jeedda oo leh geeso waa weyn. Caanaha lo’du waxay leeyihiin midab casuus leh iyo dufan badan oo dul heehaaba. lo’du waxay leedahay faa’iidooyin farabadan kuwaas oo ay kamid yihiin: Hilib, Subag, Saan, Caano, lacag, iyo in dibida beeraha lagu fasho. Ugu danbayntii lo’da adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa hal bilyan oo neef , iyadoo Waddanka ugu badan ee laga dhaqdaana uu yahay dalka (Baraasiil).


𝗪ritten by:𝗦ᵒᵐᵃˡⁱ 𝗩ᵉᵗᵉʳⁱⁿᵃʳʸ 𝗗ᵒᶜᵗᵒʳˢ⌨︎✍︎✍︎


Post a Comment

0 Comments