D I G A A G A 🐓
W/Q: Dr-ibraahin Dhuxul.
Digaagu waxay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (Animalia) bahda lafdhabarleyda ah (Chordata), gaar ahaan bahweynta Qoolleyda (Aves). Sidoo kale waxay ku jiraan qoyska hoos ee shimbiraha, xajmi ahaan culus (Galliformes) kuwaas oo ay kamid yihiin digaag turkiga iyo digirinka. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Gallus gallus domesticus). Asal ahaan waxay kasoo jeedaan qaaradda Aasiya, gaar ahaan koonfur bari Aasiya. Barashada cilmiga digaaga iyo shimbiraha waxaa looyiqaannaa (Ornithology). Luuqada ingiriisida waxaa looyiqaannaa (Chickens/Poultry), Carabidana (دجاج), Afka Soomaaligana guud ahaan Digaag, ka lab Diig ama Diiq, ta dheddigna Digaagad ama dooro.
Adduunka waxa laga helaa 500 jaad oo digaag ah, kuwaas oo ku kala duwan dhanka xajmiga iyo dhererka, inkastoo guud ahaan digaagu u qaybsamaan todoba nooc oo kala ah(Chicken, Turkeys Guinea fowl, Geese , Duck, Quial, iyo Pigeons). Heerkulka jidhkoodu waxa uu udhaxeeyaa 40.5 ilaa 41 digrii, digaagu waxay leeyihiin 78 hiddo-side. Waxayna quutaan waxyaabaha kasoo jeedda dhirta iyo xayawaanka maalintii (Omnivore) . Digaagu waxay kamid yihiin xayawaannada leh dhiigga diirran iyo kuwa leh habdhiska dheefshiidka ee shimbiraha oo kale. digaagu waxay ku qaangaadhaan 4 ilaa 6 bilood, beedka waxay ku dhalaan 24-26 saacadood, inkastoo aanay badnayn haddana marmarka qaar waxaa dhacda digaaga qaar inay 2 beed maalin keli ah dhali karaan. Sannadkii qiyaas ahaan waxay dhalaan digaagu 250 beed
Guud ahaan digaaga saddex nooc ayaa loo kala saaraa, qaar beed ahaan loo dhaqdo, qaar hilib ahaan loo dhaqdo iyo qaar loo dhaqdo labadaba, kuwaas oo markay gaboobaan hilib ahaan loo isticmaalo. Digaaga kunool dhulka soomaalidu waxay dhalida beedka ku joojiyaan 12 ilaa 14 bilood halka qaar kale oo digaaga caalamka kunoolina ay ku joojiyaan 6 ilaa 7 sanno. Digaagu markay muddo joogaanba waxaa laga jaraa Afka hore si aanay isugu dhibaatayn, qalabka lagaga jarona waxaa looyiqaannaa (Debeaking machine). Digaaga waxaa loo dhaqdaa laba nooc oo keli ah guud ahaan, in meel lagu sii daayo oo ay iska soo qadhaaabtaan iyagoo aanu kharash badan gelin iyo in meel lagu xareeyo oo si gaar ah loo xanaaneeyo kharash badana la geliyo.
Hadday soomaalidu shan meesi oo keli ah waagii hore uun taqaanay oo manaafacaadsan jirtay, wakhtiyadan danbe waxaa la ogaaday in digaagu leeyihiin faa'iidooyin badan oo kala duwan sida: Dhaqaale, Hilib iyo beed qani ku ah booratiino badan, Subag, Baalaal loo adeegsado qurxinta iyo Saxaradooda oo loo isticmaal falashada beeraha. Ugu danbayntii Sida Nebiga (Scw) laga soo weriyay, xadiis uu macnihiisu ahaa, marka uu diigu ciyo in uu arko Malaa'iig, halka marka ay dameeruhu ciyaana uu sheegay inay arkaan shaydaan, sidoo kale waxaa jiray xadiis kale oo uun Nebigu (Scw) ku sheegay in inaan diig la caayin waayo dadka wuxuu u toosinayaa salaada, ama waxa uu ugu yeedhayaa salaada. Digaaga adduunka kunool waxaa lagu qiyaasaa 22 bilyan, dalka ugu badan ee lagu dhaqdaana waa dalka shiinaha.
0 Comments