๐—ฅ๐—œ๐—ฌ๐—”๐—›๐—” ⌨︎✍︎✍︎

 R I Y A H A 


WQ: Dr.Ibraahin Dhuxul.


Waxay kamid yihiin boqortooyada xayawaanka (Animal Kingdom). Bahda lafdhabarleyda ah (Chordata). Gaar ahaan bahweynta naasleyda (Mammalia). Riyuhu waxay Ku jiraan bahda Qanjaafileyda ama se raafyarta (Artiodactyla),  qoyska hoose ee laba suulleyda (Bovide). Kuwaas oo ay kuwada jiraan idaha iyo riyuhu. Bahda cilmiga saynisku waxay ugu yeedhaan (Capra aegagrus hircus). waxay kamid yihiin meesiyada ay soomaalidu foofsato, kuwaas oo saloosha ama laacda dhirta dhaardheer (Browsers). Asal ahaan waxay kasoo jeeddaan qaaradda aasiya. Luuqadda ingiriisida waxaa looyaqaannaa (Goats), Carabidana (ู…ุงุนุฒ)

☯︎Afka Soomaaliga waxaynu unaqaannaa Riyo. Labkooda waxaa loo yaqaannaa Orgi, dheddigoodana Ri ama Ceesaan. Marka ay yaryar yihiin riyaha waxaa loogu yeedhaa Waxaro, halka Codkoodana looyaqaanno Mirir, Ee’ad, Maraaci, Qoloombi ama Qalaad. Orgida la dhufaanay waxaa loogu yeedhaa Sogob, halka rida uu neef walba jaqo looyiqaanno Hebed. Ta bilaa geesaha ahna waxaa looyiqaannaa Seenyo. Riyaha caanahooda waxay u qabysamaan afar nooc: Dhay, Dhanaan, Dhito iyo Gadhoodh, waxaana laga soo saara (Sixin) caanaha riyaha. Cimrigoodu waxa uu gaadhaa 8 illaa 12 sanno, dhererkooduna 61 illaa 99 sentimir, halka uu Culayska jidhkooduna gaadho 45 illaa  70 kiiloo. Heerkulka jidhkoodu waxa uu u dhaxeeyaa 38-39 digrii. Sidoo kale Waxay leeyihiin 60 hiddo-side. sidkoodu waxa uu gaadhaa shan bilood ama se 150 maalmood. badanaa waxay dhalaan hal ilme, marmarka qaarkoodna mataano, kuwaas oo ku qaangaadha 8 bilood. Waxay wax quutaan maalintii (Diurnal). Iyagoo quuta waxyaabaha kasoo jeeda dhirta sida, cawska iyo caleemaha dhirta (Herbivorous), waxay biyaha ku cabbaan faruuryaha, iyagoo biyo kamaarmi kara toddobaad.


☯︎Riyuhu waxay kamid yihiin xayawaannada leh dhiigga diirran (warm blooded) iyo sidoo kale kuwa leh afarta caloolood (Ruminants), kuwaas oo soo calyo ceshada ama se calanaqsada. riyuhu waxay leeyihiin laba geesood labka iyo dheddiguba, badanaa labka ayaa ka weyn dheddigga. Riyuhu waxay kamid yihiin xayawaannada uu alle qur’aanka Ku sheegay. Adduunka  waxaa laga helaa ilaa 30 jaad (breeds) oo riyo ah, kuwaas oo leh qaar dabjoog ah iyo kuwo duurjoog ah. Waxa jira xanuunno ay riyuhu dadka u gudbin karaan kuwaas oo sababi kara dhimasho degdeg ah waxaana kamid ah: Kudka, Kojiyaha, iyo Qoodha walaha. Riyuhu waxay leeyihiin faa’iidooyin farabadan kuwaas oo ay kamid yihiin: Hilib, Subag, Caano, Harag, Dhogor iyo digadooda oo loo adeegsado falashada beeraha. Ugu danbayntii riyaha adduunka Kunool waxaa lagu qiyaasaa illaa 1 bilyan oo neef, iyadoo dalka ugu badan Ee laga helaana uu yahay dalka shiinaha.



Post a Comment

1 Comments

  1. Please can I get ajob of animal production technician

    ReplyDelete