๐—–๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ž๐˜‚๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ

☯︎ Cudurka Kudka


Waa maxay cudurka kudku ? 


Cudurkan soomaalidu u taqaan kudku waa mid ka mid ah xanuunada ugu khatarta iyo saamaynta badan ee galaafta Nolosha dad iyo xoolaba haddaan foojignaan gaar ah loo yeelan, cudurkani waxa uu ku badan yahay Lo'da iyo Idaha . 

cudurkan kudka waxa sababa ama keena bakteeriyo la dhaho (Bacillus anthracis) taas oo laga helo dhamaan qaaradaha dunidda, marka laga reebo qaaradda Antarctica bakteeridani waxay awood u leedahay inay ku dhacdo dhamaan xoolaha aynu dhaqano iyo dadkaba, waxaana xusid mudan in xayawaanka ugu jilicsan ee ay bakteeriyadani saamaysaa ay yihiin kooxda loo yaqaan naaslayda. bakteeriyadani waxay ku noolaan kartaa ama joogi kartaa carrada muddo dhaw 30 sanno, iyada oo samaysanaysa qolof ama shal aanay saamayn Karin qorraxda iyo waxyaabaha kale. 


Sidee ayuu ku gudbaa cudurkani?


 cudurkani waxa uu ku gudbi karaa: 

➪taabashada tooska ah ee bukaanka cudurka qaba la taabto. 

➪ hawada oo ay kuu soo raacdo bakteeriyadu ka dibna aad ka liqdo sanka ama afka hawo wasakhaysan.

 ➪dhul daaqsimeedka ay yaalaan hadhaaga bukaan u le'day cudurkan ayay xooluhu ka qaadi karaan 

➪ cunnida hilibka neef cudurku hayo 

➪taabashada carrada wasakhaysan ee hore bakhti ama hadhaa xoolo uu xanuunku saameeyay loo dhigay. 

➪ dadka ugu badan ee xanuunkan qaadaa waa dhakhaatiirta ama kalkaaliyaasha caafimaadka xoolaha iyo shaqaalaha hiliblayda ah.

 ➪ xooluhu laftoodu waxay iskugu gudbin karaan intaas aynu soo sheegnay. 


Maxaa lagu garan karaa cudurkan?


 ➪cudurkani waxa uu leeyahay dhimasho degdeg ah, waana ka ugu dhimashada badan inta xanuun la aqoonsan yahay. 

➪ xummad iyo neef qabatow kadis ah ka dibna in uu neefku dhinto. 

➪ shuban dhiig weheliyo oo bukaanka lagu arko iyo dhiig jidhka meelaha qaar ka mid ah lagu arko. 


Astaamaha ka muuqan kara bukaanka marka uu dhinto. 


➪neefka bakhtiyay waxa lagu arki karaa dhiig madaw oo aan xinjiraw lahayn oo afka, sanka iyo dabadaba ka soo burganaya. 

➪barar lagu arko beer-yarada neefka. 

➪ inta badan neefka xanuunkani u dhintaa ma tawafo sida lagu yaqaan bakhtiga xoolaha. ➪ inta badan waxa lagu arkaa neefka dhintay in uu yahay mid dibbirsan. 


Dadka xanuunkani u gudbo maxa lagu garan karaaa?

 inkasta oo dadku ka duwan yihiin xoolaha marka loo eego xanuunkan, haddana maaha mid sahlan dhibaatada xanuunkani ku leeyahay dadka, calaamadaha lagu garan karo waxa ugu muhiimsan kuwan: 

astaamaha cudurkan ee dadka ka muuqan karaa waxay noqon karaaa saddex nooc midkood uun


➪ waxa ay xanuunka ku qaadaan taabasho,wakhtigaas dadka waxa uu kaga dhacaa maqaarka, nabaro iyo boogo ayaana lagu arki karaa maqaarka sare . 

➪ in ay ku qaadaan cunnida hillibka xoolaha xanuunkani hayo waxaana lagu arki karaa caabuq iyo nabaro hab-dhiska cunto mareenka ah oo ku keeni kara geeri deg deg ah. 

➪ qaabka saddexaad ee uu dadka xanuunkani kaga muuqan karaa waa inay ku qaadaan neefsiga iyo hawo qaadashada,waana to ugu darran xaaladani, qofku wuxuu muujinayaa calaamadihii neef-mareenka sida , dareerayaal ka yimaada 

iyo sambabada oo caabuq sameeya, iyada oo xaaladaasi geeri kadis ahna sababi karta. 

➪ marka la isku qaado saddexdan xaaladood afka qalaad waxa loo yaqaanaa, PIC (pulmonaray, intestinal and cutaneous clinical signs). 


ka hortagga iyo daawaynta cudurka 


➪ Inkasta oo uu cudurkani yahay mid bakteeriyo keentay oo daawooyin loo heli karo haddana, waxa uu cudurkani caan ku yahay dhimasho degdeg ah.

 ➪ markasta oo aad aragto neef dhimasho deg deg ahi ku timid, walow yaanay muuqanba 


calaamadaha kale ee uu xanuun kani ku caanka yahay ee aynu hore u xusnay, 

ka foojignaw inaad taabato bakhtigaas meesha kuugu dhawna ka dalbo dhakhtar caafimaad si loo xaqiijiyo xanuunka keenay dhimashadan. 

➪ haddii la xaqiijiyo in uu cudurkani jiro isla meesha uu ku dhintay neefku ka qof god ilaa 2M ah ka dibna ku aas, adoo raacinaaya carrada uu dul yaalay iyo dareerayaasha uu soo daayay bakhtiguba. 

➪ ka foojignaw! inaad furto ama jeexdo bakhtiga cudurkani dilay jidhkiisa. 

➪ ka foojignaw! in neef xanuun ku soo booddo ahi helay aad gawracato, isla markaasna aad wax ka cunto hilibkiisa.

 ➪ ka fagoow! kana guur meeshaas, calaamad foojignaan ahna ka taag meeshaas, si looga taxadiro inay xoolaha iyo dadkuba degaan

.➪si dhakhso ah u tallaal (talaalka ka hor tagga kudka) xoolahaaga isla wakhtiga la xaqiijiyo in uu cudurkkani ka jiro xeradaada ama xoolaha deegaanka ku nool. 

➪ bukaanka marka u horaysa ee xanuunku soo rito waxa lala gaadhi karaa Penicillin,Tetracycline, Erythromycin, ciprofloxacin iyo penicillin+streptomycin drugs. 










Post a Comment

0 Comments